Xaflad
si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey oo lagu Xusayey Dhalashada
Nabigeena NNK ha ahaatee oo aay soo Agaasimeen Dadwaynaha
ku nool Waddanka Newzealand gaar ahaan Caasamada wadanka
Wellington ayaa waxaa lagu qabtay isla Caasimadda Wellington.

Munaasabadaas oo aay si waanaasan
uga soo qayb galeen dadka ku nool wadankaan inta aan Bidcadu
duufsan ayaa u dhacday si wanaagsan iyadoo halkaas
laga soo jeediyey Qasiidooyin lagu amaanayo Nabigeena Sharafta
Badan iyo wacdiyo aad iyo aad loogu khushuucay ayaa
culimadii iyagu halkaas dadka ka Wacdiyey waxaa ka mid ahaa:-
1- Sheikh cabdullaah sh Muxamuud
Bile.
2- Sheikh Daahir Toosane
3- Sheikh Axmed sheikh Cabdukhaadir
iyo Culumo kale .
Waxeey Culimada Ahlusunna waljamaaca
ee Waddanka Newzealand hambalyo u dirayaan Dhammaan Culimada
Ahlusunna meel kasta oo ay Dunida ka joogaan Waxeyna U Duceeyeen
Dhammaan Mujaahidiinta Ahlusunna waljamaaca ee Dagaalka
kula jira Khawaarijta Casriga ee Al-shabaab waxeyna si Caro
leh u Canbaaraynayaan kuwii Xaq Darada ku dilay Sheekh waynaa
sheikh Cali Axmed Maxamed Iidle Ilaahey Naxariistiisa Janno
ha ka waraabiyee.

Waxaa kale oo ay Culimadu Hambalyo
u dirayaan Ciidamada Ahlusunna waljamaaca iyo Mashaa´ikhda
u istaagtay Difaaca Dalka Dadka iyo Diinta.
Sidoo kale waxey Culimadu Duco
iyo Bogaadinba u Direen Websiteyada shaaficiyah.com iyo
Ahlusunna org.
Xafladuna waxey ku dhammaatay
Jawi wanaagsan




Waxaa soo Diyaariyey
Col.Barre Dhiin
(dhiin@hotmail.com)